City of Seattle, WA

10/18/2021 | News release | Distributed by Public on 10/18/2021 15:12

Office of Labor Standards wuxuu Ku dhawaaqayaa Mushaarka Ugu Hooseeya Seattle sanadka 2022

Laga bilaabo Janaayo 1 deeda, 2022 - Isbadallada Cusub ee Qasabka ah ee lagu samaynaayo Mushaarka ugu hooseeya ee shaqaalaha iyo xoogsatada maxaliga ah, iyo Cadadka Magdhawga Ugu yar ee Darawalka Transportation Network Company (Shirkada Khadka Gaadiidka)

Faafin Degdeg ah

Cidda lala xariirayo: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
206-256-5219
[email protected]

Laga bilaabo Janaayo 1 deeda, 2022 - Isbadallada Cusub ee Qasabka ah ee lagu samaynaayo Mushaarka ugu hooseeya ee shaqaalaha iyo xoogsatada maxaliga ah, iyo Cadadka Magdhawga Ugu yar ee Darawalka Transportation Network Company (Shirkada Khadka Gaadiidka)

Seattle, WA - (October 18, 2021) - Seattle Office of Labor Standards (OLS, Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha) ee magaalada Seattle) wuxuu ku dhawaaqayaa mushaarka ugu hooseeya ee Seattle iyo isbadallada qasabka ah ee lagu samaynaayo cadadka Mushaarka Ugu yar ee Darawalka Transportation Network Company (TNC), waxay dhaqangelaysaa 1da Janaayo, 2022.

Kororka mushaarka ugu hooseeya waxaa amraaya Minimum Wage Ordinance (Sharciga Mushaarka Ugu hooseeya). Mushaarka ugu yar wuxuu qabanaaya dhamaan shaqaalaha ka shuqeeya gudaha Seattle ayadoon laga eegeyn aqoonsiga soo galootinimo ee shaqaalaha.

  • Mushaarka ugu yar ee sanadka 2022 ee shirkadaha waawayn ee wax shaqalaysiiya (501 ama ka baddan oo shaqaale ah) waa$17.27/saacadiiba.
  • Mushaarka Ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2022 (500 ama kayar oo shaqaale ah) kuwaasoo aan bixin ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo lagu baxiyo gunooyinka caafimadka shaqaalha iyo/ama kuwa aan shaqaaluhu kahelin ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo caawimaad ah waa $17.27/saacadiiba.
  • Mushaarka Ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2022 kuwaasoo aan bixin ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo lagu baxiyo gunooyinka caafimadka shaqaalha iyo/ama kuwa aan shaqaaluhu kahelo ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo caawimaad ah waa$15.75/saacadiiba.

OLS waxay boostada ugu soo diraysaa boorka goobta shaqada oo wax laga badelay ayna kujiraan macluumaadka heerarka shaqaalaha ee 2022 waxayna udiraysaa ganacsi kasta oo shatiga ganacsiga kahaysta Seattle. Koobiyada boorka goobta shaqada (oo Ingiriis ku qoran) ayaa hadda la heli karaa si looga soo dagsado webseedka OLS. Boorar lagu turjumay 19 luuqadood oo kale ayaa laga heli karaa webseedka luuqadaha ee OLS oo halkaan aad ka helayso.

OLS ayaa sidoo kale ku dhawaaqay isbadallo qasab ah oo lagu samayn doono Mushaarka ugu hooseeya ee la siinaayo darawalka Transportation Network Company (TNC) oo lagu qiimaynaayo cadadka halkii mayl ba iyo cadadka ugu yar ee safarkiiba, sida uu qabo Xeerka Magaallada Seattle 14.33. Sharcigaan ayaa dhaqan galay Janaayo 1, 2021, wuxuuna qasab ka dhigayaa in TNC yada sida Uber iyo Lyft ay bixiyaan mushaarka ugu hooseeya ee daqiiqadiiba iyo kan halkii maylba kaasoo ugu yaraan lamid ah mushaarka ugu hooseeya ee Seattle u dajisay shirkadaha waawayn oo ay dheer tahay magdhawga qarashaadka macquulka ah Sharcigaan ayaa qabanaaya darawallada TNC ee qabta adeegyada TNC ee Seattle ka shaqeeya ayadoon laga eegayn aqoonsigooda soo galootiga.

Laga bilaabo Janaayo 1, 2022, TNC yadu waa inay bixiyaan mushaarka ugu hooseeya oo ka badan intii hore qiimaha halkii mayl ba oo dhan $1.38 iyo cadadka halkii daqiiqo oo dhan $0.59 ama cadadka ugu yar halkii safar oo dhan $5.17 dhammaan safarada, ayna ku jiraan haddii macmiil ama TNC joojiso safarka. OLS ayaa wax ka badali doona khayraadka wuxuuna xog dheeraad ah ka bixin doonaa kahor intaan qiimayaasha cusub dhaqan gelin Janaayo 1, 2022.

Sidoo kale laga bilaabo Janaayo 1 deeda, 2022, dadka shaqaale u qorta ama mushaar ku baxsha adeegyada shaqaale guri oo ku jira Domestic Workers Ordinance (DWO, Xeerka Shaqaalaha Guriga) ayaa lagu boorinayaa inay siiyaan 2022 Model Notice of Rights and Pay Information (Ogaysiiska Xaquuqaha iyo Xogta Mushaarka ee Naqshada 2022) shaqaalahooda, ayagoo ku qoraaya luuqada shaqaaluhu uu kalsooni badan ku qabo adeegsigeeda. Ogaysiiska noocaan ah ayaa laga heli karaa webseedka OLS asagoo ku qoran af Ingiriis, Isbaanish, iyo luuqado kale. OLS ayaa wax ka badalla ogaysiiska sanad kasta si loo waafajiyo kordhinnada mushaarka ugu yar ee ay xaqa u leeyihiin shaqaalaha maxaliga ah sida ku cad Xeerka Shaqaalaha Guriga. Fadlan booqo webseedka Xeerka Shaqaalaha Guriga si aad u soo degsato DWO Notice of Rights (Ogeysiiska Xaquuqaha) aadna u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan Xeerka.

Iska qor wargayska OLS si aad u hesho xogihii ugu danbeeyay ee heerarka shaqaalaha Seattle ood ka helayso webseedka OLS.

  • Caawimaada ganacsiyada: si aad uhesho caawimaad bilaash ah oo gaar ah oo lagaa siiyo kudhaqanka xeerka mushaarka ugu hooseeya ee Seattle iyo sharciyada kale ee shaqaalaha, wac 206-256-5297, iimeel udir [email protected] ama halkaan dhagsii si aad ubuuxiso foomka codsiga oo oonleen ah.
  • Caawimaada shaqalaaha iyo dadwaynaha kale: si aad noo waydiiso su'aal, usoo gudbiso cabasho, ama noo siiso macluumaad, wac 206-256-5297, iimeel udir [email protected], ama halkaan guji si aad u buuxiso foomka oonleenka ah.

####

Office of Labor Standards, Source: Labor Standards