Ministry of Petroleum and Mineral Resources of the Federal Republic of Somalia

05/18/2023 | Press release | Distributed by Public on 05/18/2023 13:07

Wasiirka oo ka qeybgalay shirka Afrika Energy Submit

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu qeyb ka yahay Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Maxamad Xaashi Carabeey ayaa maanta uga qeyb galay Magaalada London Shirka (Afrika Energy Submit).

Shirkan ayaa waxaa qeyb ka ah Dowlada Badan oo Afrika ah, waxaana lagu falanqeeyay horumaradda dhanka Shidaalka iyo Gaaska (Oil & Gas) laga sameeyay.

Wasiirka Iyo wafdigiisa ayaa shirka ku soo bandhigay Xogta Shidaalka Soomaaliya iyo dhamaan heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen , sharciyadda Shidaalka, waxa sidoo kale qeyb ka ahaa warbixintooda horymarada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhanka Shidaalka iyo shuruucdiisa.

Related