European External Action Service

05/09/2024 | Press release | Distributed by Public on 05/09/2024 02:00

Xuska Maalinta Yurub Ee Muqdisho lagu Qabanayo oo lagu Daah Furay Tartanka Suugaanta ee Sisiladda Deegaanka

BAAHIN DEGDEG AH

Xuska Maalinta Yurub Ee Muqdisho lagu Qabanayo oo lagu Daah Furay Tartanka Suugaanta ee Sisiladda Deegaanka

Muqdisho, 8-dda May 2024- Qayb ahaan dabbaaldegga maalinta Yurub ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho, Safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa sharaf u ah in ay ku dhawaaqdo daah-furka Tartanka Maansada sannadlaha ah ah ee Silsiladda Deegaanka, kaas oo looga gol leeyahay in lagu kobciyo dood qaran oo lagaga arrinsanayo arrimaha isbeddelka cimillada ee dalka iyo guud ahaan caalamkaba.

Ujeeddada Tartanka Maansada Silsiladda Deegaanka waa in laga faa'iidaysto dhaqanka hodanka ah ee maansada Soomaaliyeed si loo dhiirigeliyo doodo wax lagaga qabanayo isbeddelka cimilada iyo xaalufka deegaanka. Dhammaan hal-abuurka Soomaaliyeed waxaa lagu martiqaadayaa inay ka soo qaybgalaan iyagoo soo gudbinaya muuqaal 2-daqiiqo ah oo muujinaya maanso talantaalli oo ka hadalaysa xal u helista deegaanka iyo adkeysiga bulshada.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo daahfurtay tartankan ayaa tiri: "Isbeddelka cimilada waa dhibaato caalami ah oo u baahan in si wada jir ah wax looga qabto. Tantanka Maansada ee Silsiladda Deegaanka waa fursad hal-abuur leh oo looga doodayo wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo adkaysiga dadweynaha. Midowga Yurub waxaa ka go'an in uu Soomaaliya kala shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaadhibaatooyinka cimilada".

Maalinta Yurub, oo sanad walba loo dabbaaldego bisha May, waxaa lagu xusaa Bayaankii Schuman, ee asalka u ahaa aasaaska Midowga Yurub kaas oo la saxiixay 9-kii May, 1950-kii. Bayaankani wuxuu saldhig u noqday iskaashiga iyo nabadda Yurub.

Xog dheeraad ah:

Tartanka Maansada Silsiladda Deegaanka oo lagu daahfuray magaalada Muqdisho, wuxuu socon doonaa illaa 29-ka May, 2024. Ka qaybgalayaasha waxaa qiimeyn ku sameyn doona garsoorayaal madax-bannaan, iyadoo abaalmarinno la guddoonsiin doono dadka gala kaalimaha hore. Ka qaybgalayaasha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay booqdaan mareegta Ergada Midowga Yurubsi ay u helaan shuruucyada iyo habraacyada tartanka. Sidoo kale waxa ay farriimaha kala socon karaan bogagga warbaahinta bulshada ee Ergada Midowga Yurub.