City of Vantaa

03/28/2024 | Press release | Distributed by Public on 03/28/2024 01:24

Macluumaadka la daabacay ku saabsan ardayda fasalka koowaad ee cusub ee dugsiga mustaqbalka

Macluumaadka la daabacay ku saabsan ardayda fasalka koowaad ee cusub ee dugsiga mustaqbalka

Uutinen -28.3.2024

Asiasanat

KoulutusLapsiperheetOppilaatShow all tags

Waalidiinta/masuuliyiinta ardayda cusub ee fasalka koowaad waxay hadda arki karaan Wilma oo ah dugsiga uu ilmahoodu bilaabi doono dayrta 2024. Haddii aadan bixin oggolaanshahaaga la xariira isticmaalka adeegyada elektarooniga ah, go'aanka dugsiga deegaanka ilmahaaga ayaa lagu soo diri doonaa guriga ayadoo la adeegsanaayo boosto. Qoraalkaan wuxuu sidoo kale ka kooban yahay hagitaan iyo taariikho muhiim ah oo ay tahay inaad hubiso.

Codsiga Wilma

Wilma waa buug horumar oo elektaroonig ah ee la xariira xiriirka u dhaxeeya dugsiga iyo guriga, oo ku shaqeeyo interneet. Halkaan ka gal Wilma.

Maalinta Xogaha Hordhaca ah, 8 Maayo 2024

Ardayda fasalka koowaad ee cusub waxay heli doonaan fursad ay ku booqdaan dugsigooda mustaqbalka markay taariikhdu tahay Arbacada 8 Maayo 2024. Maamulayaashu waxay soo diri doonaan casuumaad faahfaahsan oo dheeraad ah maalinta hordhaca iyadoo la adeegsanaayo Wilma.

Codso hawlaha dugsiga kadib ee lagu bixiyo kharashka kahor 30 Abriil 2024

Ururada gaarka ah, kaniisada, isbahaysiyada iyo ururadu waxay qabanqaabiyaan waxqabadyada dugsiga kadib ee ka dhaca dugsiyada Vantaa ama xarumaha ku yaala agagaarka dugsiyada. Codso hawlaha dugsiga kadib adoo adeegsanaaya Wilma kahor 30 Abriil 2024.

Codso dheefta gaadiidka dugsiga kahor 28 Abriil 2024

Waxaad codsan kartaa dheefta gaadiidka dugsiga, kaarka socdaalka iyo ku safrida taksiga ee loogu talagalay cunugaaga adoo adeegsanaaya Wilma kahor 28 Abriil 2024.

Ku qor cunugaaga inuu wax ku barto afkiisa hooyo

Haddii luuqada hooyo ee cunugaaga aysan ahayn Finnish, ka qor casharada lagu baranaayo luuqadiisa hooyo.

Waxaad cunugaaga ku qori kartaa inuu wax ku barto luuqadiisa hooyo maalinta la sameynaayo hordhaca ardayda fasalka koowaad ee cusub ayna taariikhdu tahay 8 Maayo 2024. Waxaad dugsiga ka heli kartaa foomka isdiiwaangelinta. Sidoo kale waxaad diiwaangelin kartaa Agoosto marka dugsigu bilaabanaayo.

Ma dhawaan ayaad usoo wareegtay Vantaa?

Marka qoysasku usoo wareegaan Vantaa, maamulaha deegaanka ayaa ilmaha ku qora dugsiga deegaanka.

Waxaad halkaan ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah iyo tilmaamo ku saabsan sida loo diiwaan geliyo ilmaha.

La-taliyayaasha luuqadaha badan ku hadla ayaa sidoo kale ku caawiya markaad ilmahaaga ka diiwaan gelinayso dugsiga. Finishka iyo Ingiriisida ka sokow, waxay ku hadlaan Carabi, Albaaniyan, Soomaali, Ruush iyo Istooniyaan. Waxaad ka heli kartaa macluumaadka xiriirka ee barayaasha luqadaha badan boggan.

Avainsanat

Somalinkielinen (Soomaali)Show all keywords

Jaa sivu