Ministry of Petroleum and Mineral Resources of the Federal Republic of Somalia

06/22/2023 | Press release | Distributed by Public on 06/22/2023 10:43

Wasiirka oo maanta kulan laqaatay dhamaan Ganacsatada Shirkadaha ka shaqeeya Shidaalka.

Wasiirka Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed ayaa maanta kulan laqaatay dhamaan Ganacsatada Shirkadaha ka shaqeeya Shidaalka.

Shirka ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaarada, ganacsatada ayaa lala wadaagay looguna sharxay shuruucda iyo xeer-nidaamiya yaasha ay Wasaaradu soo saarto iyo ahmiyada ay leedahay in ganacsatadu u hogaansanto.

Sidaa si la mid ah waxay ganacsatadu Wasiirka la wadaageen daruufaha iyo caqabadaha ka jira ee u baahan in wax lagala qabo.

Wasiirka Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed ayaa la wadaagay sharuucda iyo habraacyada hananka Dowlada Soomaaliya u dajisay si looga baaqsado dhibaatooyinka ka dhasha meelaha aanan u diyaarsanayn in lagu iibiyo Shidaalka.

Wasiirka Wasaarada Batrolka iyo Macdanta ayaa ganacsatada u sheegay in la joojiyay oo aan la ogalaandoonin in dalka la keeno Shidaal tayadiisa hoosayso,

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Ayaa sheegtay inay ka goan tahay ilaalinta badqabka dadka iyo deegaanka

Related